Somali News

Dad badan oo loo soo qabtay dil maanta askari loogu geystay Beledweyne

Beledweyne-KNN-Wararka ka imaanaya magaalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan  ayaa sheegaya in halkaasi koox ku hubeesan bastoolado ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay Suuqa Xoolaha ee Laanta Hilaac – xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Askariga la dilay ayaa lagu maagcaabi jiray Cismaan Cabdikariin Maxamuud kooxii dilkaan geystay ayaa marxuumkaan ka qaatay qorigii uu watay, sida ay noo sheegeen goobjoogayaal halkasi ku sugnaa.

Ciidamada amniga ayaa dilka kadib gaaray halka uu dilku ka dhacay, waxayna bilaabeen baaritaano ay ku soo qabteen dad badan, kuwas oo la iskugu geeyey xarunta Nabad sugidda ee magalaada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa bilihii lasoo dhaafay amnigeeda waxaa uu ahaa mid sii xumaanayay, waxaana siyaabo kala duwan loogu dilay guddoomiye xaafadeedyo, askar iyo dad kale.