Somali News

Dad barakacayaal ah oo lagu laayay dalka Cameroon

Muqdisho-KNN-Koox  looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Boko Xaram ayaa dilay ugu yaraan 13 qof, iyagoo 8 kalana ku dhaawacay markii ay weerar bam-gacmeed Axadda maanta ah ku qaadeen waqooyiga dalka Cameroon, sida ay ilo amni iyo sarkaal maxalli ah u sheegeen Reuters.

Dagaalameyaashan aan la aqoonsan ayaa bam-gacmeed ku tuuray koox dad ah oo ku sugnaa xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taal magaalada Mozogo ee gobolka Far North oo u dhow soohdinta Nigeria, sidaasina waxaa xaqiijiyay duqa magaalada, Medjeweh Boukar.

Boukar ayaa sheegay in dadka deegaanku ay u sheegeen in 13 qof ay weerarka ku dhinteen.

Sarkaal ayaa isna sheegay in 2 qof ay dhaawacii soo gaaray u dhinteen taasi oo tirada dhimashada ka dhigeysa 15 qof.

Boko Xaram ayaa muddo ku jirtay dagaal ay ku dooneyso in ay ku aas-aasto khilaafo Islaami ah oo fadhigeedu yahay Nigeria.

Rabshadahan oo ay ku dhintay 30,000 oo qof, malaayiin kalana ay ku barakeceen ayaa ku baahay dalalka deriska la ah Nigeria sida Cameroon, Niger iyo Chad.

Bishii June ee sanadkii hore, ku dhawaad 300 oo dagaalameyaal ah kuwaasi oo la tuhmayo in ay ka tirsanaayeen xagjiriinta Boko Xaram ayaa weerar ku qaaday jasiirad ku taal harada Lake Chad ee waqooyiga fog ee Cameroon, iyagoo halkaasi ku dilay 24 qof, oo 16 ka mid ah ay ahaayeen askarta Cameroon ee ku sugnaa saldhig militari.

Isha:VOASomali