Somali News

Dad Itoobiyaan ah oo lagu dilay Magaalada Baladxawo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya todabo qof oo itoobiyan ah iyo haweenay somaali ah ayaa xalay lagu diley Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Dhacdadaan ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaawacay 6 qof oo itoobiyaan kuwaasi oo lagu daweynayo isbitaalka weyn ee Degmada Baladxaawo.

Dadka la dilay ayaa isugu jira labo rag ah iyo shan dumar ah .

Laamaha Amniga ee magaalada Baladxaawo weli kama hadlin dhacdadan argagaxa ku abuurtay shacabka magaalada.