Somali News

Dad ku dhintay dagaal ka dhacay Darfur

Dagaal u dhexeeya qowmiyadaha qaar ee dego Suudaan ayaa ka dhacay gobolka galbeed ee Darfur, waxaana ku dhintay 48 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Suudaan.

Dagaalka oo ka dhacay caasimaadda gobolka ee El Geneina ayaa bilowday kaddib markii qof ka tirsan dadka deegaanka la toori la geliyay.

Waxaana gobolka lagu soo rogay banddow, Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok ayaa wafdi u diray gobolka si ay baaritaan ugu soo sameeyaan dagaallada dhacay.

Dagaallo ayaa ka bilowday gobolka Darfur sanadkii 2003-dii, waxaana ka qaxay dagaallada malaayin qof inkasta oo ay socdaan dadaallo nabadeed, weli waxaa halkaas ka taagan xiisad