Somali News

Dad ku dhintay gacan ka hadal dhex-maray taageerayaasha Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa

Booliska Kenya ayaa sheegay in laba qof ku dhinteen shaqaaqo dhex martay taageerayaasha Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo kuwa madaxweyne ku xigeenka, William Ruto.

Ruto, oo cibaadadii Axadda kaga qayb galay kaniisad ku taalla degmada Muranga ee gobolka badhtamaha dalka ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Kenyatta, ayaa cambaareeyey qalalaasahaa dhacay ee ay boolisku u adeegsadeen suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala dareeriyaan dhalinyaro fadqalalo waday oo is shiidayey taayirona ku gubay wadada weyn ee magaaladaa marta oo muddo gaadiidka xayiray.

Madaxweynaha oo haatan dalka Faransiiska booqasho ku jooga iyo William Ruto ayaa khilaaf xoogani ka dhex aloosmay kaas oo sababay in saraakiil ka tirsan isbahaysiga Jubilee ee talada dalka hayaa ay ku talo bixiyaan in madaxweyne ku xigeenka laga qaado xilka ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga.

Ruto wuxuu quudaraynayey in uu Kenyatta uga dambeeyo madaxtooyada dalka marka la gaadho 2022 hase yeeshee waxa mucaaradad adag kala hor yimi taageerayaasha Kenyatta oo ku doodayay in ololaha uu ka bilaabay dalku yahay mid aan wakhtigiisii la gaadhin maadaama 2 sannadood ka hadhsanyihiin doorashadii.

Labada nin markii ay ku guulaysteen doorashadii hore waxay ballan qaadeen inay dalka ka dawayn doonaa kala qaybsanaanta isirka ku salaysan, laakiin xukuumadda ilaa haatan waxa lagu eedeeyaa in ay uga sii dartay kala qoqobnaatii qabyaaladeed ee jirtay iyo sidoo kale musuqmaasuq ku xididaystay oo keenay in dalka laga lunsado malaayiin doolar oo ay ku jiraan 7.8 milyan oo doolar oo loogu talo galay in lagu soo iibiyo agab lagaga hortago Covid-19 oo haatan la rumaysan yahay in la xaday.

Xatooyada la sheegay in lagula baxay lacagaha loogu talo galay la dagaallanka fayraska korona ayaa ah arinta ugu weyn ee dalka laga hadal hayo.

Labda dhinac ee isbahaysiga talada haya ayaa mid ba dhinaca kale ku eedeeyey lunsiga lacagtaa dawladda ee loogu talo galay in wax lagaga qabto cudurka Covid-19 ee dalku la daalaa dhacayo.

BBC