Somali News

Dad rayid ah oo lagu dilay Bakaaraha

Muqdisho-KNN-Koox ku hubeysneed Bastoolado ayaa  Labo qof oo shacab ah waxa ay ku dileen isgoyska bakaaraha ee magaalada Muqdisho sida goobjoogayaal ay KNN u sheegeen.

Ciidammo Ka tirsan dowladda ayaa halkii uu dilka ka dhacay gaaray,iyagoo goobta ka qaaday labadii  qof ee la dilay.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday.

Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu dilay isgoyska Bakaaraha ku dhawaad 40kii bari ee ugu danbeeyay, waa tiro aad usareysa, markii loo barbardhigo xilliyadii hore.