Somali News

Dad rayid ah oo lagu dilay Xudur

Xudur-KNN-Wararka naga soo gaaray qaybo kamid ah gobolka Bakool ayaa sheegaya in rag hubeysan ay laba qof oo rayid ah ku dileyn deegaanka Maareeyaha oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Labada qof ee la dilay ayaa kala ahaa nin oday ah oo khudaar geyn jiray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Ninkan ayaa la dilay isaga oo saaran mooto bajaaj uu ku tagi jiray Xudur.

 Qofka kale ee la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa wiil yar oo 12 sano jir ahaa.

Lama oga sababta loo dilay ninka khudaarta ka ganacsanayay iyo wiilka yar laakin qaar kamid ah ehelada dhibanayaasha ayaa dilkaani ku eedeeyay Dagaalamayaasha Al Shabaab.