Somali News

Dagaal beeleed ka dhacay duleedka Kismaayo

Kismaayo-KNN-Ugu yaraan 9 qof oo ah dhinacyadii dirirtu u dhaxeysay ayaa ku dhimatay dagaal beeleed maanta ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan oo maalmahanba soo tixnaa ayaa waxaa socotay waan waan uu ku kala dhexgalayo beelaha dagaalamaya maamulka Jubalanad, arintaa oo umuuqata iyana in ay guuldareysatay.