Somali News

Dagaal beeleed ka socda deegaanka Garasle ee ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida

Dagaal beeleed u dhaxeeya laba maleeshiyo ayaa socday xadka u dhexeeya gobolka Galgaduud iyo dhulka dowlad deegaanka soomaalida.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa Deegaanka lagu magacaabo Garasle, iyadoona hubka culus iyo midka fudud ay isku adeegsanayaan mapeeshiyaadka, sida uu soo sheegaya weriyaha KNN ee gobolka Galgaduud Maxamed Cabdi weli Tooxow.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in dhawaqa rasaasta laga maqlayo deegaanka, iyadoona lagu soo waramayo inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa badankood ah dhinacyada dagaalamaya.

Inta la ogyahay 1 qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, inkastoo khasaaro uu intaasi ka badan karo.