Somali News

Dagaal culus oo ka socda duleedka degmada Balcad

Balcad-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada xoogga iyo Al-Shabaab uu haatan ka socdo deegaano hoos taga Balcad.

Dagaalka ayaa haatan waxaa uu ka socda deegaanka Basra iyo deegaano kale oo ka ag-dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dadka deegaanka ee ku sugan Basra  ayaa soo  sheegaya in rasaasta iyo hubka la isu adeegsanayo si aad ah looga maqlayo deegaano hoos taga degmada Balcad.

Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in weerar ay maanta ku qaadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana deegaano dhowr ah ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda deegaano hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.