Somali News

Dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka Kismaayo

Kismaayo-KNN-Warar  dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta ciidamada Jubbaland iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka magaalada Kisamayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada Jubaland oo howlgal ka wada deegaanada Canjeel iyo Kaba Kibir ee galbeedka magaalada Kismaayo ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab, waxaana halkaas ka qarxay dagaal culus oo saacado badan socday.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu khasaare kala duwan ka soo gaarey labada dhinac ee wada dagaalamay, hase yeeshee aan si rasmi ah loo ogeyn heerka khasaaraha gaaray dhan walba.

Al-Shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay dagaalkaas ku dileen lix Askari oo ka tirsan ciidamada Jubaland, balse ma jiro cid si madax banaan u xaqiijin karta.

Saraakiisha Ciidamada Jubaland ee ka howlgalla gobolka Jubbada Hoose weli wax faah faahin ah kaba bixin dagaalkan.