Somali News

Dagaal dhanka dhaqaalaha oo markale ka dhex bilowday Mareykanka iyo Shiinaha

Xukuumadda Beijing ayaa ka falcelisay qorshaha uu Mareykanku ku qarashgareynayo laba boqol iyo konton bilyan oo doolar si looga hortago awoodda dhaqaale ee sii kordheysa ee Shiinaha.

Sharciga – oo ay ansixiyeen Aqalka Senate-ka Mareykanka – ayaa sameyn doona maalgelin cilmi baaris ah oo ku aaddan meelaha ay ka midka yihiin sirdoonka macmalka ah.

Shiinaha ayaa horeyba u lahaa qorshayaal u gaar ah oo uu ku horumarinayo tikniyoolajiyadda kaas oo uu kaga gol leeyahay inuu kula tartamo dunida gaar ahaana Mareykanka.

Hindisaha Mareykanka waxa uu weli ku xiran yahay inuu kagudbaa Golaha Wakiillada. Saraakiisha Shiinaha ayaa sheegay in tallaabadani ay ka buuxdo waxa ay ku tilmaameen “fikrado dhan u janjeera”. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, oo la yirahdo Wang Wenbin, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Washington ay tahay inay joojiso tallaabooyinkaasi.