Somali News

Dagaal dhex maray ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta dhexmaray ciidamada mamaulka Jubbland iyo dagaalamayal katirsan Al-shabaab kaa oo ka dhacay deegaano u dhow magaalada kismaayo

Iska hor imaadka oo socday saacado ayaa yimid kadib markii ciidamada darawishta maamulka jubbland ay howgal ay ka sameeyeen deegaan lagu magacaabo  yaaq bishaar  oo dhaca galbeed magalaada kismaayo .

Inta la xaqiijiytay waxaa dagaalkaa ku geeriyowday 2 qof oo saarkisha ciidamada jubbland oo howgalkaa horkacaayay ay sheegeen in ay ahaayeen Al-shabaabkii la dagaalamay.

Sidoo kale saraakisha jubbland aya sheegey  in nolol ay ku sooo qabteen mid ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo dhaawac ah.

Abaanduulaha guutada 1-aad ee ciidanka daraawiishta Jubbaland Aadan Cabdulqaadir oo hoggaaminaayey ciidanka howlgalka sameeyey ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalka mar uu la hadlayana warbaaahinta.

Sarakisha maamulka jubbland aya sheegay in xubnahaan ka tirsan Al-shabaab ay qorsheenayeen in ay weerar ku qaadaan deegaanka Cabdalla Biroole, balse ciidanka oo helay xogta ay ka hortagaan