Somali News

Dagaal iyo duqeyn ka dhacday magaalada Marka

Marko-KNN-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn iyo dagaal xalay ka dhacay gudaha magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose,kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen ciidammo ka tirsan xoogga dalka oo todobaadkan si nabad galya ah kula wareegay qeybo kamid ah degmada Marka oo ay Shabaab gacanta ku hayeen.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu barbar socday duqeyn xooggan oo madaafiic ah.

Meelaha sida wayn dagaalka xoogiisa uu kaga dhacay ayaa ah kawaanka Malaayga iyo Saldhiga Booliska ee magaalada Marka .

Ciidamada  Midowga Afrika ee AMISOM ayaa riday madaafiic ay kaga jawaabayeen weerarka Al-Shabaab, si dhab ah looma khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, inkastoo uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Todobaadkan ayey aheyd markii ciidammo ka tirsan xoogga dalka oo uu hoggaaminayay amaanduulihii hore ay si buuxda ugala wareegeen Al-Shabaab degmada marka.