Somali News

Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Beladweyne-KNN-Wararka naga soo gaaraya Tuulooyinka Gars-yaani iyo Booco oo dhaca bariga Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ku dagaallameen xooggaga Macawiisley iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dad ku nool deegaanadaas lagu dagaalamay ayaa KNN u sheegay in Macawiisley ay dagaal kusoo qaadeen xilli Al-Shabaab ay dadka xoolo dhaqatada ah ka aruursanayeen xoolo ay ugu magacdareen Sakawaad, waxaana halkaas ka qarxay dagaal xoogan.

Sidoo kale Dadkii ku noolaa deegaanadaas ayaa la sheegay in ay ku biireen dagaalka, iyaga oo garab siiyey kooxda Macawiisley, waxaana deegaanadii lagu dagaalamay haatan gacanta ku haya sida aan wararka ku heleyno kooxda Macawiisley, oo dagaal ka dhan ah Al-Shbaab ka wada gobolada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan oo uu ka arimiyo maamulka Hir-Shabeelle.