Somali News

Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Milateriga Soomaaliya oo ka dhacay koonfurta Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa KNN u sheegay i dagaal culus oo u dhaxeeya milateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu goor dhaw oo galabta ah ka dhacay deegaan lagu magacaabo Labadulle oo koonfur ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidanka xoogga dalka ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab deegaankaas ku lahaayeen.

Saraakiishu waxay sheegeen inay deegaanka Labadulle ka saareen Al-Shabaab, isla markaana ay u ruuqaansadeen dhanka deegaanka Ceel-lahelay.

Ciidamadan oo ka soo baxay Dhuusamareeb ayaa maanta lagu qarxiyey deegaan lagu magacaabo Sina-dhaqo, waxaana qaraxaas ku geeriyootay laba askari, halka sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.