Somali News

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo SSC Khaatumo oo ka dhacay deegaanka Buqdharkayn

Wararka ka imaanaya deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo halkaasi.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada Somaliland ay weerar ku soo qaadeen deegaanka oo xilligaasi ku sugnaayeen askar ka tirana Maamulka SSC Khaatumo.

Goobjoogeyaal ku sugan magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in weli la maqlayo rasaasta ay is weedaarsaday an labada dhinac.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, maadama uu weli socdo.