Somali News

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ka dhacay deegaan hoos yimaada Magaalada Caad

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Dagaal culus oo u dhexeeyey Ciidanka xoogga dalka, xoogagga deegaanka iyo daraawiishta Galmudug oo iskaashanaya iyo Al-shabaab.

Dagaalka oo socday saacado ayaa ka dhacay deegaanka jeexjeexa oo hoostaga Magaalada Caad ee Koofurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen dagaalameyaasha Al-shabaab, isla markaasna ay burburiyeen xarruumo ay halkaasi ku lahaayeen.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in ay qorshayaan in ay dhowaan la wareegaan magaalad Caad oo muddo dheer ay ku sugnaayeen dagaalameyaasha Al-shabaab.