Somali News

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab oo ka soconaya Duleedka Magaalada Garbahaarey

Garbaharey–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo Ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xoogga Dalka oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab uu ka soconayo Duleedka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid ka dib Markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Weerar dhabo gal ah ay Al-shabaab ku qaadeen Xilli ay marayeen Degaan lagu Magacaabo Meykaareebee oo 7-KM u jira Magaalada Garbahaarey.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu geystay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamaya.

Sidoo kale Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo waxaa ka baxay Ciidamo Gurmad ah oo isugu jira kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya,kuwaas oo ku biiray Dagaalka ka socda Duleedka Garbahaarey.

Hayeeshee ma jirto wax War oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo iyo Saraakiisha Ciidamada oo ku aadan Dagaalka ka socda Duleedka Magaalada Garbahaarey.