Somali News

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgallo ka dhacay tuulooyin hoos yimaada magaalada Jamaame

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay ciidanka dowladda iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen tuulooyinka hoos yimaada magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgallka ayaa waxaa fuliyay ciidamada Kumaandooska Danab oo kaashanaya daraawiishta Jubbaland, iyada oo lagu beegsaday goobo ay dagaalameyaasha Al-shabaab kaga sugnaayeen jiinka webiga Jubba iyo deegaannada Hoos yimaada Magaalada Jamaame.

Saraakiisha ciidanka xoogga oo ka hadlay howlgalka ayaa sheegay in tobanaan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab la dilay, isla markaasna maxaabiista ay qabteen.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada xoogga ayaa howgllo ka dhan Al-shabaab waxaa ay ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.