Somali News

Dal Carbeed oo DFS ugu yeeray ‘Dowlad kumeel gaar ah’

Dawlada Imaaraatka Carabta war ay soo saartay waxay ku sheegtay inay cambaaraynayso dhacdooyinkii lagu weeraray musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ee shalay iyo habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warkaan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda iyo xiriirka caalamiga ahee Imaraata Carabta laguna baahiyay warbaahinta dalkaas ayaa lagu sheegay inay fal wanaagsanayn uu yahay tilaabadii lagu rasaaseeyay musharaxiinta iyo dadka shacabka ah ee lasocday.

Warkaan waxaa sidoo kale lagu sheegay in Imaaraaraatku aad u taageerayo dadaalka beesha caalamka ee la doonayo in lagu xaliyo khilaafka jira iyo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo cadaalad ah.

“Dawlada Imaaaratku aad bay uga walaacsantahay xaaladda sii xumaanaysa ee Soomaaliya gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho taasoo lagu rasaaseeyay musharaxiinta iyo awooda xad dhaafka ah ee ciidamada lagu adeegsaday” ayaa lagu yiri warkaan maanta kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda ee Imaaraatka.

Sidoo kale qoraalkaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbada iyo xiriirka caalamiga ah dawlada Imaaraatka Carabta waxaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqaynaa dawlada ku meel gaarka ah iyo dhinacyada kaleba inay qaataan door wanaagsan si loo gaaro himolooyinka wanaasgsan ee dalku leeyahay”.

Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed uu wanaagsanayn tan iyo sanadkii 2017 markaasoo uu go’ay xiriirka Imaaraatka iyo Qatar.