Somali News

Dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska”Ma jirto sabab ay Iran ugu baahantahay inay kobciso uraniumkeeda”

Saddexda wadan ee reer Yurub ee saxeexay heshiiska Nukliyeerka Iran ayaa walaac xooggan ka muujiyay qorshayaasha tayeynta yuraaniyamka ee xukuumadda Tehran.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa waxay ku sheegeen in uraniumka Iran la kordhiyo boqolkiiba lixdan ay tahay horumar halis ah.

Waxay sheegeen inaysan jirin sabab ay Iran ugu baahantahay inay kobciso uraniumkeeda. Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in go’aanka lagu kobcinayo barnaamijka tayeynta yuraaniyamkooda uu jawaab u ahaa weerar ay Israa’iil ku qaadday mid ka mid ah xarumaheeda nukliyeerka.

Iran ayaa sheegtay Talaadadii inay si weyn kor ugu qaadi doonto hanaanka tayeynta boqolkiiba lixdan. Sare u qaadiddan ayaa waxay aad uga sarreeysaa tii la isku raacay heshiiskii 2015-kii ee Niyukleerka Iran, inkastoo ay ka yartahay caddadii looga baahnaa in Bambo atomic ah lagu sameeyo.

Mdaxaweyne Xasan Rouhani ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday xarunta uu ahaa weerar Israel ay ka dambeeysay isla markaana Iran ay dib u tayayn doonto iyadoo adeegsanaysa qalab casri ah, si loo xoojiyo tayeynta uraniumka.

Xigasho:-BBC