Somali News

Dalxiisayaal ku Dhintay Dabeylo ku Dhuftay Waqooyiga Dalka Greece.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan Lix ruux oo ajaanib ah oo labo kamid ah ay caruur yihiin ayaa dhintay halka tobonaan kalana ay dhaawacmeen kadib markii dabeyl xoogan ay ku dhufatay Waqooyiga dalka Greece.

Dabeesha oo aad u xooganeed ayaa sidoo kale bur bur u geesatay baabuur, geedo iyo dhismayaal.

Masuuliyiinta dalkaas ayaa sheegay in mashaqadu ay kadhacay gobolka Halkidiki halkaas oo ay ku sugnaayeen dalxiisayaal badan.

Haweenay 54-sano jir ah iyo wiil sideed sano jir ah oo kasoo jeeda dalka Romania ayaa kamid noqday dadka ku waxyeeloobay dhacdadaas, kadib markii uu kusoo dumay saqafka maqaayad ay ku jireen

Lamaanayaal kasoo jeeda dalka Jek (Czech) ayaa sidoo kale kamid noqday dadka dhintay kadib markii uu kusoo dumay geed ay hoos taagnaayeen sida uu sheegay Booliska dalka Greence.

Gobolka ayaa xaalad deg deg ah looga dhawaaqay iyadoona ku dhawaad 140 kamid ah kooxaha dab damiyaasha laga hawl galiyay goobaha ay dabeeluhu saameeyeen.