Somali News

Dani oo markii ugu horeysay sheegay in ay jirto fara galin lagu maamulkiisa

Garowe-KNN-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo maanta ka hadlayey munaasabad lagu daah-furay duullimaadyada Ethiopian Airline ay ka bilowday magaalada Garowe ayaa digniin adag u diray dad uu sheegay in ay kicinayaan dhalinyarada Puntland si ay isaga horkeenaan shacabka iyo maamulkiisa.

Dani ayaa tilmaamay in ay jiraan dad doonaya in ay wiiqaan jiritaanka Puntland, iyagoo u soo maraya kicinta dhalinyarada, isagoo ka digay in dhalinyarada loo adeegsado burburinta Puntland.

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Dani uu sheegay in fara galin lagu hayo maamulkiisa, waxuuna hadalkiisu kusoo aadayaa xili ay dhowaan Puntland ku eedeysay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqanayey Waqooyiga magaalada Gaalkacyo in uu baal maray bah maamuuskii ay Puntland u diyaarisay, waxaana xiligaas eedeynta Puntland laga dheehan karay in ay ka xumaatay dhalinyaro badan oo Kheyre uu qudbad ugu jeediyey Waqooyiga Gaalkacyo.