Somali News

Dawlada Turkiga oo si adag uga hadashay xariirka Imaaraatka iyo Israa’iil

Muqdisho-KNN-Dawladda Turkiga ayaa waxa ay si adag uga hadashay xiriirka cusub ee ay sameysteen Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil.

Waxa ay sheegtay in xiriirkani cusub ee ay wada gaadheen, uu yahay mid lagu khiyaanayo shacanka reer Falastiin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, oo ka hadlayay arrintan ayaa waxa uu sheegay, in arrintan ay xaq u leeyihiin in ay si deg deg ah jawaab uga bixiyaan xukuumadda Turkiga iyo shacabla reer Falastiin.

Imaaraatka Carabta oo ah dal Islaam ah, ayaa waxa ay heshiis cusub oo dhanka Diblomaasiyadda ah la saxiixatay Israa’iil, taas oo xitaa qayb ka noqotay in ay hakiso heshiiskii dib u dejinta ahaa ee Israa’iil.