Somali News

DEG DEG:-Askari Muqdisho ku dilay wade Mooto Bajaaj

Muqdisho-KNN-Darawal Mooto Bajaaj ayaa lagu dilay degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Askari ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa wade Mooto Bajaaj waxa uu ku toogtay Isgoyska Afar-Irdoodka ee degmada Xamar Weyne.

Askariga dilka u geystay marxuumka ayaa durbadiiba waxaa gacanta ku shigay Askar kale oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya, kuwaas oo goobta ka agdhowaa markii uu Askarigani dilka geysanayay.

Dilkaan loo geystay darawalka Mooto Bajaajta ayaa ku soo aadaya iyadoo Saakay Maxkamadda Ciidamada ay xukun dil ah ku riday Askari Sideedii bishaan wade Mooto Bajaaj ku dilay ruux kalana ku dhaawacay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.