Somali News

Deg Deg:- Dab goordhow ka kacay suuqa Bakaaraha.

Muqdisho-KNN-Dab xoogan ayaa goordhow ka kacay Bartamaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dabka xoogeysa uu ka socda Halka loo yaqaano Huudheyda oo ku yaala Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Dabka ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay Khasaaro handiyadeed.

Waxaana hada soconaya gurmad, kaasi oo ku aadan sidii dabkaasi loo Damin lahaa.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Howlwadaaga ayaa ku sugan goobta uu dabka ka socda.