Somali News

Deg deg:-Guddoomiyaha degmada Buurhakaba oo Goordhow iscasilay

Baydhabo-KNN-Gudoomiyaha degmada Buur hakaba ee Gobalka Bay Maxamed Ibraahim Wantem ayaa Goordhow ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii gudoomiyaha degmadaasi.

Sababta iscasilaadiisa ayaa waxaa uu ku sheegay in faragelin ay ku hayaan siyaasiyiin, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shir jaraa’id Ku sheegay in dhibaato badan ay ka jirto degmada Buurhakaba, isagoona Ku baaqay in wax loo qabto Shacabka Ku nool degmadaasi.

Madaxda maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay wax ka qabteen xildhibaanada dhibaatada Ku hayo degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay, sida uu hadal ka u dhigay.