Somali News

DEG DEG:-Madaafiic kusoo dhacay Wardhiigleey

Muqdisho-KNN-Warar goordhaw inaga soo gaaray xaafadda Geed-jaceyl ee degmada Wardhiigleey ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa ay kusoo dhaceen hoobiyaaal aan la garan halka laga soo tuuray.

Ilaa saddex qof ayaa dhaawac soo gaaray dhimashasa lama soo warin, 4madfac ayaana la sheegay in ay soo dhaceyn, ciidamada ammaanka ayaa gaaray halka ay madaafiicdu kusoo dhacday, xaafadda hoobiyaalku kusoo dhaceyn ayaa waxa ay ku dhawdahay madaxtooyada Soomaaliya.