Somali News

Deg Deg:- Muxaadarada Sheekh Kenyaawi oo baaqatay.

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Muxaadarada Muqdisho ee Shiikh Kenyaawi maanta la baajiyay kadib is buurasho dhacday goobta ay muxaarada ka qabsoome laheyd.

Dad badan ayaa la sheegay inay isbuurashada dhaawacmeen.

Waxaana la sheegay in Shiikha laga ka xeeyay goobta.

Dhaawaca ayaa ka dhashay rasaas ay askarta fureen kadib dadka oo is buurtay.


Kumanaan dad ah ayaa xilli hore sii gaaray hoolka sahal ee u dhaw KM4 oo muxaadarada lagu qaban lahaa, sida ay sheegayaan wariyaasha KNN ee jooga goobta.

Sidoo kale waxaa arintan baaqashada ka hadlay Maamulka Gobalka Banaadir.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga Gudoomiye Ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobalka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, waxaa uuna sheegay in la baajiyay muxaadarada Sheekh Kenyaawi.