Somali News

DEG DEG:-Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax xoogan oo dhawaqiisa inta badan laga maqlay Magaalada Muqdisho ayaa goordhaw waxa uu ka dhacay meel ku dhaw Isgooyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxaa loo adeegsaday Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay waxaana lala beegsaday Maqaaxi lagu Magaaco Bar Italia oo Saaran wadada Makka-Al-Mukarramah.

Wali lama oga qasaaraha rasmiga ee ka dhashay, balse halka ay ka dhaceen ayaa waxa ay aheed goob saxmad badan oo dad badan ay xiligan oo kale usoo fiidsi tagaan.

Wixii kusoo Kordha Raadiye Kulmiye kala soco.