Somali News

DEG DEG:- weerar cirka iyo dhulka ah oo ka soconaya deegaanka Basra

Balcad-KNN-Wararka ka imaanaya tuulada Basra ee gobolka shabeelaha dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa sadlhig ay Shabaab  ku lahaayeen ay weerar ku qaadeen ciidammo ka tirsan Xoogga Soomaaliya.

Ciidamada Danab lagu magacaabo ayaa weerarkan ku qaaday halkaa, sidoo kalana waxaa wehlinaya ciidamo Ameerikaan ah.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay KNN ayaa sheegay in weerarro dhanka cirka ah ay socdaan, sidoo kalana waxaa socda dagaal toos ah oo udhaxeeya Shabaab iyo ciidamada weerarka ku qaaday.

Deegaanno dhowr ah oo Basro ay ku jirto  ayaa dhawaan waxaa lagu daadiyay waraaqo ay ku qoraayeen in dadka jilicsan ay deeganadaa isaga baxaan.