Somali News

DEG DEG: Dab xoggan oo ka kacay xaafad kamid ah degmada Hodan

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan gaar ahaan agagaarka isbitaal Digfeer ayaa sheegaya in dab xoggan uu ka kacay goobo ganacsi oo ka soo horjeedo isbitaalka.

Dabka ayaa la sheegay in uu yahay mid xawaare saro ku socdo heerka fidista dabka markii loo eego,waxaana la sheegay in dabka uu si gaar ah kaga kacay maqaaxi,ilaa iyo hadan lama oga sababta keentay in dabka uu kaco.

Khasaaro hanti ayaa la sheegay ay in jirto balse aysan jirin wax yeelo soo gaartay dadkiii joogay goobaha uu dabka ka kacay,waxaana hada warar soo baxaya ay sheegayaan in masuuliyiin maamuulka degamada ah ay gaareen halkii dabka uu ka kacay sida guddomiyaha degmada Hodan iyo taliyaha saldhiga.