Somali News

Deni oo la filayo inuu dib ugu laabto Puntland

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu tago Magaalada Garoowe, xili uu khilaaf adag uu kala dhexeeyo madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi.

Deni ayaa waxaa uu wajahaya culeys siyaasadeed oo weyn, lamana oga sida uu xal ugu gaari doono khilaafka u dhexeeysa isaga iyo Axmed Karaash, Madaxweyne ku xigeenka puntland.

Madaxweyne Deni ayaa marka uu dib ugu laabto Magaalada Garoowe, waxaa la filayaa in uu kulamo gooni gooni ah uu la qaadan doono wasiirada, xildhibaanada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan Bulshada, si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeyo denni iyo Axmad Karaash.