Somali News

DF Soomaaliya oo Mareykanka kala hadashay taageerada ciidamada xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga xukumadda Soomaaliya,  Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay sakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.

Labada dhinac, ayaa yeeshay kulan saacado qaatay, kaasi oo looga hadlay dardar gelinta xiriirka Militiri ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Waxaa ay kawada hadleen sidii loo dardargelin lahaa howlaha tababarida iyo taageerada uu Mareykanka siiyo ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa ay isla soo qaadeen sidii sare loogu qaadi lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga howlgallada.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladdaha ka taageera dowladda Soomaaliya tababarada dhinaca Ciidamada, isagoo weeraro iyo duqeymo ka fuliya goobaha ay ku suganyihiin Dagaalameyaasha Al-Shabaab.