Somali News

DFS oo ciidamadii ugu badnaa geysay Jowhar

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Ciidamada gaarka u tababaran ee Danab geysay magaalada Jowhar, ee caasimada kumeel gaarka ah ee Hirshabeelle.

Ciidamadan oo la sheegay in dhanka xeebta ay ka galeen magaalada, ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad ilaa iyo 200 oo askari ah.

Qorshaha ciidamada loo geeyay magaalada Jowhar ayaa lagu sheegay sugidda amniga magaalada iyo ilaalinta amniga Doorashadda maamulka Hirshabelle ee dhawaan la filayo in ay halkaas ka dhacdo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay qeyb ka qaadan doonaan sidii loo xaqiijin lahaa Amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo in badan Al-Shabaab ay weeraro ka geysteen.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada xoogga ee dalka.

Weriyaha KNN ee magaalada Jowhar ayaa soo sheegaya in ciidamada Danab ay baaritaano ka sameyn doonaan xaafadaha magaalada Jowhar