Somali News

DFS oo la filayo in ay bandow ku soo rogto Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay bandow ku soo rogdo magaalada Muqdisho sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka booliska ee degmooyinka ayaa loo sheegay in berri Bandow tahay, waxaana taliyaasha ciidanka lagu amray in ay dhaqan geliyaan Bandowgaan.

Dhinaca kale maanta waxaa Taallada Daljirka socdaal ku tagey xubanaha midowga musharixiinta oo ay ugu horreeyaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaalia Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale.

Berri ayaa la filayaa in banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo uu ka dhaco Muqdisho, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen mucaaradka.