Somali News

DFS oo sheegtay in dad loo qabtay saraakiishii lagu dilay Galgaduud

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel iyo Balanballe ay kusoo qabteen ilaa 7 Ruux, kuwaas oo mudooyinkii dambe ay Ciidamada ku raad joogeen.

Dadka la soo qabtay ayaa ku eedeysan dil dhowaan duleedka degmada Balanballe loogu geystay saraakiil ka tirsanaa milatariga Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka xoogga ee hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in raggan qaarkood ay ku qabteen guryo ay ku dhuumaaleysanayeen, halka kuwa kalana iyagoo gadiid ku safraya gacanta lagu soo dhigay.


Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in raggan howlgalka lagu soo qabtay la horgeyn doono caddaaladda, islamarkaana sharciga la marsiin doono.