Somali News

DFS oo sheegtay in gacanta lagu dhigay hub iyo xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelada hoose oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Baladul Amiin oo ka tirsan gobolka shabeellada hoose.

Taliyaha ururka 4 aad ee guutada 16 aad ee Ciidanka kumandooska Danab Maxamed Saleeban oo Hogaamiyanyey hawlgalka ayaa sheegay in u jeedka hawlgalku u ahaa in lagu burburiyo Fariisamo Al-shabaab ay ku la hayeen deganaakaasi, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen maxkamad ku taala deegaankaasi iyo fariisin ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in inta howlgalka uu socday ay ciidamada xoogga gacanta ku dhigeen hub iyo sanad Ciidan oo ay lahayeen dagaalameyaasha Al-shabaab iyo xubno ka tirsan kooxdaasi