Somali News

DFS oo sheegtay in howlgal ay ku dishay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Mushaani, Daniga, Majabta oo u dhaxeeya Janaale iyo Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada ayaa sheegay in ay ciidamadu dileen laba sargaal oo iyo 50 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale talye Odowaa ayaa magacyada saraakiisha ku sheegay  Macalin Buqaari oo ahaa sargaalkii jabhada Al-Shabaab ee gobolka Shabellaha Hoose iyo Sheikh Xasan ganeey oo Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka Shabellaha Hoose.

Talyaha ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhigyadii Al-Shabaab ku la haayeen deegaannada Mushaani, Daniga, Majabta ee gobolka Shabellaha Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaana ka hadlin, sheegashada ciidadamada xoogga.