Somali News

DFS oo sheegtay in la buburiyay saldhig weyn Al-shabaab ku laheyd deegaanka Cali Yabaal

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ayaa Weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhig Al-shabaab ku laheed dhul howd ah oo u dhaw Deegaanka Cali Yabaal oo hoostago Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Dagaal xooggan ayaa ka socday Deegaanka Cali Yabaal waxaana Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka si rasmi ah gacanta ugu dhigeen goobahii Dagaalameyaasha Al-shabaab ku sugnaayeen.

Kooxda oo isku day-day in ay difaacdo saldhiggaas oo muhiim u ahaa ayaa ugu dambeeyn cagta la mariyay oo laga saaray,waxaana hadda xabadu kasii dhaceeysaa dhulka howdka ah ee u dhaxeeyo Cali Yabaal iyo Cowswayne.