Somali News

DFS oo sheegtay in la burburiyay guryo ay qaraxyada ku diyaarinayeen Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Qoraal ka soo baxay dowadda ayaa lagu sheegay in howlgalka lala beegsaday laba Guri oo Al-shabaab ay ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa, waxaana howlgalka lagu dilay 20 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka oo ay qeyb ka ahayd duqeyn ayaa waxaa lagu burburiyay saanad ciidan iyo guryaha ay ku sugnaayeen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in howlgalka ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga oo kaashanaya Saaxiibadooda Caalamiga ah.

W/Q: Hanad Abdi Mohamud Yusuf