Somali News

DFS oo sheegtay in la dilay wariyeyaal iyo saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ka dib ka hadashay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka bilaawgii todobaadkaan ku qaadeen idaacad ku hadasha Afka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Al-Furqaan taasi oo ku taala Deegaanka kuunya Barow oo hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlayay Idaacadda Ciidamada ayaa sheegay in weerarka duqeynta lagu dilay wariyeyaal iyo horjeegeyaal ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Danab ayaa waxaa ay sheegeen in Duqeynta lagu dilay Agaasimaha Idaacadaasi oo magaciisa ay ku sheegeen Cabdiraxmaan Cali oo Al-shabaab looga yaqaano khaashic , Wariye Axmed Dalmar Abuu Warsame,Wariye Maxamed Cali Aadan

Sidoo kale Duqeynta Waxaan lagu dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Ismaaciil Dubud Shig shigow oo Xiligaasi lagu wareysanayay Mid ka mid ah Barnaamijyada ay baahiyaan idaacada la burburiyay.

Idaacadda la weeraray oo war ka soo saartay duqeynta, ayaa sheegtay in shaqaalaha idaacadda uusan soo gaarin khasaare, isla markaana dad shacab ah weerarka wax ku noqdeen.