Somali News

Wafdi ka socda DFS oo shir ugu qeyb galeya Magaalada Roma

Siihayaha xilka Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta XFS Mudane Xasan Cabdiraxmaan Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Safar shaqo ugu amba baxay magaalada Roma Caasimadda dalka Taliyaaniga.

Siihayaha Xilka Agaasimaha Guud iyo Wafdigiisa inta ay joogaan dalka Taliyaaniga waxay ka qeybgali doonaan shirka Arrimaha Diinta, Nabadda, Badqabka Iyo Amnul fikriga oo ay isugu imaan doonaan Khubaro Ku xeeldheer gorfeynta nabad dhiska, Fikradaha xagjirnimada rabshadaha wata.

Shirka waxaa lagu casuumay matalayaal ka socda dowladaha Islaamka, iyadoo lagu soo bandhigi doona muhiimada Wadahadalka Nabadda iyo dabargoynta Fikradaha Xagjirnimada rabshadaha wata.