Somali News

DFS oo war ka soo saartay shirka beri ka dhacaya Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay go’an tahay, kuna dadaalayso sidii uu u miri dhali lahaa kulamada wadatashiga ah ee socda dawladda iyo dawladaha xubmaha ka ah dawladda federal ka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cisman Abukar Dubbe oo la hadlay wakaalada Wararka ee SONNA ayaa sheegay in rajada kullanka laga qabo in uu ku dhamaanayo isfahan buuxa 100%


Madaxda Soomaalida ayaa maalinta beri la filayaa inay kulan ku yeeshaan Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho


Shirka oo ay cadaadis xooggan saarayso Beesha Caalamku, ayaa la doonayaa in lagu diyaariyo ajandaha shirka guud ee arrimaha doorashooyinka dalka.