Somali News

Dhaawacyada qaraxyadii ka dhacay deegaanka Laasgacamey oo la soo gaarsiiyay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho loo soo qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxii is-miidaaminta ee lagu qaaday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug, oo ka dhacaay deegaanka Laas Gacamey ee Mudug.

Diyaar gaar ah oo caafimaad ayaa soo qaadag Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Senator Cabdi Qeydiid iyo lix qof oo dhaawac.

Dhaawacyada ayaa la geeyay isbitaal gaar ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, si loo dabiibo xaaladooda caafimaad.