Somali News

DHAGEYSO;-Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax Miino oo ka dhacay G/bay.

Baydhabo-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax miino oo maanta ka dhacay degaanka Goof-Gaduud Gobalka Bay.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay Suuq Ganacsi oo halkaasi ku yaalla, islamarkaana ay ku ganacsadaan dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku geeriyootay, halka 40 kalana ay ku dhaawacmeen, sida uu KNN u sheegay Guddoomiyaha deegaanka Goof-gaduud Xasan Bayow.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, islamarkaana waxaa uu tilmaamay inuu ka dhacay Suuqa Ganacsiga ee degaanka Goof-Gaduud, isagoona xusay in dadkii ku dhaawacmay loo qaaday isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Halkan ka Dhageyso Warka.