Somali News

Dhageyso:-Gaari meyd siday oo la rasaaseeyay

Muqdisho-KNN-Wararka inaga soo gaaraya wadada Warshaddaha ee magaalada Muqdisho  ayaa ku waramaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dil u geystay qof shacab ah oo la socday gaari meeyd sida kaas oo ku socdaalaye wadada Warshaddaha ee magaalada Muqdisho.

Dil ayaa yimid,kadib markii ciidammo Militeri ah ay rasaas ku fureyn gaariga siday marxuunka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Dhaqane Muxumed Aadan.

Warar kale oo ay KNN heshay ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka ka danbeeyey, islamarkaana lagu wareejiyay CID-da, si baaritaano loogu sameeyo kiiska uu geystay.

Halkan ka dhageyso mid kamid ah ehelada ruuxa la dilay oo KNN lahadlay.