Somali News

Dhageyso-Khilaaf ka dhashay dhagax dhigga dekadda degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Garoowe-KNN-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa axaddi ka baxay magaalada Muqdisho waxaana uu gaaray Garowe xarunta Puntland , safarkiisa deegaanadaasi waxaa jiray qorsheyaal deganaa sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonyahay , Inuu booqdo magaalooyin kamid ah Puntland , dekad cusub ka dhagax dhigo Garacad , inuu ka qeybgalo munsaabadda 20-sano Guurada maamulka Puntland iyo kuwo kale ayaa kamid ahaa ujeedooyinka ugu weyn ee socdaalka Xasan Kheyre.

Markii wafdiga ra’iisal wasaaraha ay gaareen Garowe , kulamo ay la qaateen madaxda Puntland kadib maalinki xigay waa isniinti e waxaa uu Ra’iisal wasaare Kheyre qudbad u jeediyay ardayda wax ku barata deegaanadasi , shalay ayaana la qorsheynayay in isaga iyo Madax weynaha Puntland ay tagaan deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug kana dhagax dhigaan dekad cusub.

Garacad waxaa ay dhacdaa Waqooyiga Mudug waxayna kamid tahay xeebaha Soomaaliya kuwooda leh Marsooyinka dabiiciga ah , waana mid fac weyn.

Gobolka Mudug waxaa uu ka dhaxeeyaa labada maamul gobol ee Puntland iyo Galmudug , waxaase deegaanka Garacad u xisaabanyahay Puntland.

Isla Gobolka Mudug deegaanada hoos taga Galmudug waxaa ku yaala dekada qadiimiga ah ee Hobyo taasi oo hadda lagu wado in dib u dhis lagu sameeyo, masuliiyinta Galmudug ayaana Ra’iisal wasaaraha ku dhaliilay in dekad cusub ka dhagax dhigayo Garacad, Hobyo-na lagu dhabar jebinayo.

Maxamed Nuur Diini waa wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Galmudug , habeen kahor ayuuna KNN u waramay.

“Walaac ayaan ka qabnaa safarka Ra’iisal wasaaraha , iyo dhagax dhigga dekadda Garacad , Garacad waxay u dhawdahay dekadda Hobyo looma baahna”ayuu yiri.

Ma dhicin in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu tago Garacad si uu u dhagax dhigo dekada cusub ee halkaasi laga hirgalinayo , qorshuhuna ahaa inuu tago sida ay ii sheegeen ilo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Lama oga sababta uusan u tagin , Balse waxaa shalay gelinkii hore Garoowe ka baxay tagayna Garacad madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas , dekacadda Cusub ee Garacad ayuna dhagax dhigay.

Hadal uu deegaanka Garacad ka jeediyay Madaxweyne Gaas kahor daqiiqado dhagax dhigga dekada Cusub ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay hadal u muuqday mid fariin u ah ra;iisalw asaare Kheyre ee ka baqsaday Garacad.

“Mar hore ayaan dhagax dhiagn lahayn dekadda Garacad , waxaan sugeyna madaxda dowladda Federalka mase dhicin , waana in aan isku tashanaa Puntland”ayuu yiri Gaas.

Xasan Kheyre dhankiis Garowe waa uu kabaxay wuxuuna gaaray Qardho kulamo ayu la qaatay dhaqanka Puntland ee magaaladi ku sugan , madxaweyne xigeenka Puntland Cadi xakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey ayaana Ra;iisal was are Kheyre wehlinaya.

Madaxweynaha Puntland iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay Garowe waxaana tan iyo shalay halkaasi laga soo warinayaa inuu jiro khilaaf u dhaxeysa labada Masuul kaa oo ka dhashay baaqashada Ra’iisal wasaaraha ee dhagax dhigga dekadda Garacad.

Sidoo kale Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah dhaqanka deegaanada Puntland ayaa ka carooday sida ay u dhacday dhagax dhigga dekadda garacad.

Cabdi Faarax Saxciid Juxa wasiirkii hore arimaha gudaha ee xukuumadan ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku dhaliilay Ra’iisal wasaaraha inuusan tagin deegaanka Garacad.

Dad ka dhaw madaxtooyada Puntland iyo xafiiska ra’iisalw asaraha ayaa inoo sheegay in khilaafka labada dhinac uu ku dhawaaday inuu baaqdo kulanka Golaha wasiirada Soomaaliya ee todobaadkan oo Garowe inuu ka dhaco la qorsheynayo

Boosaaso inuu tago Ra’iisal wasaaraha ayaa asido kalem lagu wadaa waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Cabi wali Gaas uu ka biyo diiday raacistiisa.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixinta.

180801_002