Somali News

{DHAGEYSO} SOMA oo Cambaareysay Xariga Idaacadda Daljir Boosaaso

Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxaa ay ka xuntahay oo ay aad u cambaareyneysaa tallaabada ciidamada booliska Puntland ay ku damiyeen idaacadda Daljir Xarunteeda Boosaaso, Gabood falkaas ay ku kaceen Ciidamada Booliska Puntland waa mid ka hor imanaya Dastuurka Dalka,midka Dowlad Goboleedka iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda Aadanah iyo xorriyada hadalka.

Falka maanta lagu la kacay Idaacada Daljir Waa wax laga xumaado in qalqal la galiyo si toos ahna loogu xadgudbo xarun warbaahineed iyo how wadeeno oo ku guda jira shaqo maalmeedkooda caadiga ah oo ay bulshada u hayeen .

Waxaa wanaagsan in la ilaaliyo Sharciga iyo nidaam u yaal dalka oo la ilaaliyo madaxbanaanida oo aan xarumaha idaacada xarig iyo hanjabaad loo geysan.
Dowadd Goboleedka Puntland waxaan ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah sharciga u horkeenaan Ciidamadii maanta qal qal gilinta iyo Xariga ku sameeyay Xarunta Daljir ee Magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan oo la hadlay warbaahinta ayaa sharci daro ku tilmaamay xariga lagula kacay Idaacada Daljir ee Magaalada Boosaaso.